Ka dib markii ay isugu yimaadeen dhamaan xubnihii naadiga oo dhan intii gobolka joogtay ayaa waxa ay shir sanadoodkoodii ku qabsadeen xarunta naadiga oo ku taala magaalada Burco taas oo runtii sanad walba lagu doorto hogaan iyo Board cusub si hawlaha naadiga loo dar dar geliyo waxaana ay ka mid tahay mabaadiida u yaala naadiga in sanad walba la doorto xubno cusub ama kuwii hadii loo daynayaba.
Munaasabad Balaadhan oo lagu Daahfurayay Buugga Mabaadi'da salaynta iyo kala dhigdhigga Afka Soomaaliga, oo uu Qoray qoraaga Reer Somaliland ee Cumar X. Bile Aadan ayaa xalay lagu qabtay hotel-ka emperaila ee Magaalada Hargeisa.Xaflada Daahfurka Buugaasi waxaa ka soo qayb galay Xildhibaan C/raxman Yusuf Cartan, Abwaan Axmed Aw Geedi (Dheeraad), Qoraa Axmed ibraahin Cawaale, Badhasaabkii hore ee Gobolka Hargeisa Maxamed Cabdi Daa,uud, Dhaliyaradda Jaamacadaha kala duwan ee Hargeisa iyo Marti sharaf kale oo tiro badan.Xafladaasi oo ay soo Qaban Qaabiyeen Naadiga Akhristayaasha Timacadde ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo Agaasimay waxaana ugu Horayn halkaasi Hadal kooban ka jeediyay Gudoomiyaha Naadiga Akhriska Timacadde Mahdi Sh.Cabdi Axmed waxa uu ka xog waramay Naadiga iyo hawlaha uu qabtay mudadii uu jiray, waxa kale oo uu raaciyay in naadiyada Somaliland Guud ahaan ay gudanayaal risaalat illaahay inagu waajibiyay, oo markii ay guteen horumar u horseeday Dawladihii Islaamka, waxa uu tibaaxay in Cilmigu aanu qiimo lahayn hadii aanu akhris jirin, Xoolaha iyo Umaduhuna si fudud dunida uga baxaan balse xikmada Buugta ku qoran iyo Aqoontu ay tahay shayga kaliya ee Hadhaya
Naadiga Akhriska Timacadde waxa uu ku Marti Qaadayaa ka soo qayb galka Daahfurka BuuggaMabaadi'da salaynta iyo kala dhigdhigga Afka Soomaaliga(The principles of Somali language grammar with
Habeenkii Xalay ahaa ayaa waxa naadiga akhristayaasha Halkaraan ee magalada Burco uu xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ku qabten Hotel Barwaaqo ee magalada Burco munasibadan oo loogu magacdaray (Sanadguuradii labaad ee Naadigu Halkaraan) oo ku beegnayd habeenkii xalay ee taariikhdu ahayd 1/2/2011.Waxa lagu soo bandhigay buugaag kala duwan oo isugu jira buugagta laga heli karo MAKTABADA NAADIGU hirgeliyey ee (HALKARAAN LIBRARYama GURIGA AQOONTABURCO),iyo buugag aad ubadan kuwaasoo ay lahaayeen soona badhigeen carwooyinka bugaagta iibiya magalada Burco, si cidii danaynaysa ay isla goobtasi ugu iibsadan ,Xuska sanadguurada waxa ka soo qayb galay dhalinyaro, abwaano , aqoonyahano, shirkadaha ganacsiga , xubno ka socday Naadiga akhriska ee Timacade readers (Gabiley), ururada gobolka.
(Halkaraan Burco) Naadiga Akhrisyaasha ee Halkaraan Readers Club Ee Magalada Burco Waxa uu ugu Ogaysiinayaa Dhamaan Dadka Daneeeya Wax Akhriska, Qoraalka, Iyo Tacliinta, inay Soo Dhawdahay Sanadguuradii 2 aad Naadigu Ayna ku Began Tahay ( January-31-2011) .
Hadaba Waxanu Ka Codsanaynaa Bulsho waynta Somaliland ee Daneeya Naadiga iyo Hawlihiisa oo ku sal fadhiya wax akhris, qoraal, iyo dhiirigelinta in la helo bulsho wax akhrida waxna qorta, inay nagala soo qayb qaataan sanadguurada oo cidii awoodi karta inay soo xaadiran goobta sanadguuradu ka dhacayso inay yimaadan, cida aan awoodina ay kala qaybqaatan farxada iyo damaashadka Naadigu
Naadiga Akhristayaasha Halkaraan Ee Magalada Burco Oo Habeenkii Xalay Ahaa Isugu Yimi Shir balaadhan oo Ay Kaga Arinsanayeen Sidii Naadiga Kor Loogu Qaadi lahaa iyo Dabcan Sidii Loogu Diyaar Garoobi Lahaa Sanadgurada 2aad Ee Naadiga oo Ku beegan Bisha2 aad ee Sanadkan 2011.Shirkan oo ka dhacay Hotel Barwaaqo ee magalaada Burco waxa soo xaadiray dhamaan Xubnaha Naadiga oo Ku Jiraan Xubno badan oo dhawaan Naadiga ku soo biiray ka dib Markii ay arkeen hawlaha horumarineed ee ay ka wadaan Magaalada.
xaflad ay soo qaban qaabiyeen Naadiga Akhristayaasha Berbera Reading Club oo lagu marti qaaday Abwaanka weyn ee Yuusuf Shaacir oo qorayBuuga xafladan lagu soo bandhigay (waar tollow colka jooja) xafladan oo ahayd mid si weyn looga soo qayb galay ayaa waxa ugu horayn halkaa ka hadlay gudomiyaha Naadiga Akhristayaasha Berbera Suhayb Maxamed Cali oo ka sheekeeyey taariikhdii Naadiga la aasaasay iyo tirada buugta uu soo bandhigay isagoo sheegay in Naadiga la aasaasay sanadkii 2009 guulo wax ku ool ahna uu gaadhay marka loo eego inta uu jiray isagoo soo bandhigay 16 buug oo uu ka xusay buuga hal kaga dayo dhaxal reeb iyo kuwa kale oo badan,
wax kale oo halkaa loogu duceeyey gudomiyehii hore ee Naadiga Akhristayaasha Berbera marxuum Idiris Xuseen C/laahi oo dhamaadkii sanadkii 2010 ku geeriyooday magaalada Berbera
christian louboutin - Many men want t...
christian louboutin - Many men want t...
www.updiscountchristianlouboutin.com ...
Tods - The brands of sell well all ov...
Wholesale Tresor Paris online,come an...
Cheap Hip Hop Jewelry on sale,hot fas...
wholesale Jordan shoes from china Low...
Cheap jerseys is just for you! cheap...
cheap nfl jerseys is perfect! cheap...
Christian Louboutin Designer Shoes&nb...
www.updiscountchristianlouboutin.com ...
men shoes - Men's shoes should be des...
Cheap link:http://www.airforcecheaps...
Cheap air force ones is risen in leat...
hermes sale - Check the pictures the ...
True Religion Womens Legging Jeans - ...
True Religion men jean - True Religio...
More and more people are caring the l...
Mr - Canada Goose http://www.canadago...
Jordan shoes on sale,you will find wh...